Waxaa maanta ilaa xalay ka dhacay dabaaldegyo culus magaalooyinka waaweyn ee Somaliland sida Hargeisa, Burao iyo magaalooyin kale oo ka tirsan gobollada ay maamusho, kuwaasi oo lagu xusayay 18-ka May oo Somaliland ku tilmaamto inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay arrimo gudaha iyo dibadda ah, isaga oo sheegay in sanadkan uu yahay kii ugu horreeyay ee la xuso 18-ka May iyadoo Somaliland ay tahay “dal la aqoonsan yahay”, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay tahay sida uu yiri dal cusub oo ku soo biiray qowmiyadda Soomaaliyeed, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan horumarka iyo qarannimadooda. Wuxuu sheegay in Somaliland ay kasoo baxday dhammaan shuruudaha looga baahan yahay dal mas’uul ah oo leh nabad, sharci, dimuqraadiyad iyo xuduudo la yaqaan.
“Dadka Soomaaliyeed kuwooda sida xun wax loogu sheegay, waxaa aan markale u ugu celinayaa in Somaliland ay tahay dal kale oo ku soo kordhay qowmiyadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa fariin u diray Ururka Midowga Afrika, isaga oo ugu baaqay inay ka fiirsadaan cawaaqibta ka dhasha isku qasbida dalal iyo dowlado aan is raaci karin.
“Waxaan ugu baaqayaa dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika in wax laga barto cawaaqib xumada ka dhalata isku tolida iyo isku qasbida dalal iyo dowlado aan is raaci karin,” ayuu yiri.
Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday aqoonsigoodii ugu horeeyey ee ay ka heleen Israa’iil iyo safiirkoodii ugu horeeyey ee maanta laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga, isaga oo leh “Dr Maxamed Wuxuu noqon doonaa danjirihii ugu horeeyey ee la aqoonsan yahay ee Somaliland yeelato”.
HBN ONLINE TV

