Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta magaalada Godey ee dowlad-deegaanka Soomaalida ka daah-furay mashruuc weyn oo warshad bacrimin ah, kaas oo dowladda ku tilmaamtay mid lagu horumarinayo beeraha iyo dhaqaalaha dalka, iyaga oo lagala kaashanayo shirkad uu leeyahay ninka ugu taajirsan qaaradan Afrika.
Mashruucan oo dhinacyada gacanta ku haaya u arkaan mid lagu hormarinayo wax soo saarka Itoobiya iyo inuu dalkaasi gaarsiinayo isku filnaasho xagga cuntada ah ayaa waxaa dhaliilo xooggan horay kaga keenay Ururka ONLF.
Jabhaddu waxay si adag u cambaareysay mashruucan, oo lagu daray midka kale oo wax soo-saarista shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah, lagana wado gobolka Soomaalida ee Ogaden, iyagoo ku tilmaamay mashruucan mid lagu fulinayo “boob khayraad” iyo “khiyaano siyaasadeed” oo ka dhan ah shacabka deegaanka.
Si kastaba, Waxaa maanta Ra’iisal wasaare Abiy Axmed uu la socday Aliko Dangote oo leh shirkadda mashruucaan filanaysa ay gaareen magaalada Godeey ayaa sheegay in Mashruucan uu muhiimad gaar ah u leeyahay koboca dhaqaalaha, abuurista shaqooyin cusub iyo xoojinta wax soo saarka gudaha, isaga oo xustay inuu gacan ka geysan doono yareynta ku tiirsanaanta waxyaabaha dibadda laga soo dejiyo.
Dadka dhaliilaya mashruuca ayaa ku doodaya in deegaanka laga faa’iideysanayo iyada oo aan si buuxda loo tixgelin danaha shacabka deegaanka, islamarkaana aan la helin heshiis cad oo ku saabsan sida bulshada deegaanka uga faa’iideysan doonto mashruucaasi.
HBN ONLINE TV

