Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Hamsa Cabdi Barre ayaa lagu shaaciyay in Dastuurka dalka uu si rasmi ah u dhaqan galay, isla markaana aan dib loogu laaban doonin Dastuurkii Kumeel Gaarka ahaa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dastuurku dhaqan galay laga bilaabo maalintii uu saxiixay Madaxweynaha iyo maalintii lagu daabacay faafinta rasmiga ah, isagoo xusay in hirgelintiisa farsamo ahaan ay waqti qaadan doonto, gaar ahaan arrimaha maamulka ee ku cad Dastuurka laftiisa.
Golaha ayaa Wasaaradda Caddaaladda ku amray inay muddo 12 bilood gudahood ah Golaha ku hor keento qaraar qeexaya qodobbada muhiimka ah ee Dastuurka iyo sida loo hirgelinayo.
Sidoo kale, Wasaaradda ayaa la faray inay muddadaas gudaheeda ku diyaariso arrimaha maamulka ee u baahan farsamooyinka gaarka ah, iyadoo dowladdu ay sii wadayso hirgelinta doorashada qof iyo cod ah.
Warbixinta Wasaaradda Caddaaladda ayaa lagu sheegay in qorshaha hirgelinta Dastuurka uu socon doono inta u dhaxeysa sanadihii 2026 ilaa 2029, isla markaana mudnaanta la siin doono dhismaha guddiyo iyo hay’ado muhiim u ah shaqada Qaranka, sida Golaha Adeegga Garsoorka iyo Hay’adda Dakhliga Qaranka.
Go’aankan ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu fashil ku soo idlaaday wada-hadalladii u socday Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS iyo qaar kamid ah xubnaha mucaaradka ah, kadib markii dhiancyadu mid walba ku gows adeygay rabitaankiisa ku saabsan hannaanka doorashooyinka.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyey dowladda inay diiday qorshe lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah, kadib dhammaadka muddo xileedka hay’adaha dowladda, halka DFS sheegtay in miiska ay keeneen xubnaha Mucaaradka aragtiyo ay ku tilmaantay kuwo ka hor imaanaya xuquuqda aas-aasiga ah ee muwaadinka ee ah inuu wax doorto—lana doorto.
HBN ONLINE TV

