Safiirkii ugu horreeya ee Somaliland u magacowday Israa’iil, Maxamed Xaaji, ayaa Khamiista waraaqaha aqoonsiga u gudbin doona Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog, sida uu sheegay xafiiska madaxweynaha Israa’iil.
Mohamed Hagi, oo loo magacaabay safiir bishii Febraayo, ayaa hore u ahaa la-taliye la shaqeeya Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.
Munaasabaddan ayaa astaan u ah horumar kale oo laga sameeyay xiriirka u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland kadib markii Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland bishii Diseembar 2025.
Tallaabadaas ayaa dhalisay cambaareyn uga timid dowladda federaalka Soomaaliya, dalal kale iyo ururro caalami ah oo ay ku jiraan Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), kuwaas oo ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

