Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa magacaabay gole wasiirro ah oo ka kooban 25 wasiir iyo raysal wasaare cusub. Xubnaha la magacaabay ayaa intooda badan ahaa masuuliyiin horay xilalkan u hayay, kuwaasi oo dib loogu soo magacaabay masuuliyadoodii hore.
Cabdulkadir Kaamil Maxamed ayaa sii ahaanaya Ra’iisul Wasaaraha dalka, halka Mudane Cabdulkadir Xuseen Cumar loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ahna Afhayeenka Dowladda.
Sida ku xusan warqadan oo ay faafisay warbaahinta dowladda Jabuuti ayaa lagu sheegay in Digreetadan oo uu soo jeediyay Ra’iisul Wasaare Cabdulkadir Kaamil lagu dhisay gole wasiirro cusub oo ka kooban 24 xubnood, kuwaasi oo loo kala magacaabay wasaaradaha muhiimka ah ee dalka.
Xubnaha wasiiradda cusub ee dalka Jabuuti waxay ka koobnaan doonaan sidatan:
Cabdulkadir Kaamil Maxamed — Ra’iisul Wasaare
Cali Xasan Bahdoon — Wasiirka Caddaaladda
Ilyaas Muuse Dawaale — Wasiirka Maaliyadda
Cabdulkadir Xuseen Cumar — Wasiirka Arrimaha Dibadda
Xasan Cumar Burhaan — Wasiirka Gaashaandhigga
Cumar Cabdi Saciid — Wasiirka Arrimaha Gudaha
Ismaan Ibraahim Rooble — Wasiirka Miisaaniyadda
Marwo Muna Cismaan Aadan — Wasiirka Caafimaadka
Mustafe Maxamed Maxamuud — Wasiirka Waxbarashada
Dr. Nabiil Maxamed Axmed — Wasiirka Tacliinta Sare iyo Cilmi-baarista
Marwo Xana Faarax Casoowe — Wasiirka Haweenka
Ridwan Cabdillaahi Bahdoon — Wasiirka BeerahaSaciid Nuux Xasan — Wasiirka Kaabeyaasha Dhaqaalaha iyo Qalabka
Muumin Xasan Barre — Wasiirka Arrimaha Islaamka iyo Awqaafta
Marwo Ouloufa Ismaaciil Cabdi — Wasiirka Arrimaha Bulshada
Dr. Djama Maxamed Xasan — Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka
Yoonis Cali Guedi — Wasiirka Shaqada
Maxamed Axmed Cawaale — Wasiirka Deegaanka
Marwo Aamina Cabdi Aadan — Wasiirka Qorsheynta
Maxamed Cabdulkadir Muuse Helem — Wasiirka Isgaarsiinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Teknolojiyadda
Orbis Helaf Orbis — Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska
Marwo Fardowsa Muuse Egueh — Wasiirka Dhallinyarada
Cumar Xuseen Cumar — Wasiir-ku-xigeenka Maamul-daadejinta
Marwo Safiya Maxamed Cali Gadile — Wasiir-ku-xigeenka Dhaqaalaha
Marwo Maryam Xamadou Cali — Wasiir-ku-xigeenka Maalgashiga iyo Horumarinta Ganacsiga Gaarka loo leeyahay.
HBN ONLINE TV

