Ciidanka Booliska Militariga ee Jabuuti ayaa maanta sheegay inay xireen 125 qof, kadib howlgal ballaaran oo ka dhan ah dambiyada, kuwaas oo aroornimadii hore ee saaka laga fuliyay xaafado kala duwan oo ka tirsan caasimadda dalkaasi.
Sida lagu sheegay bayaan rasmi ah, howlgalka waxaa fuliyay cutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti oo taageero ka helayay ciidamada guurguura, waxaana laga sameeyay xaafadaha West Salines, Arhiba, Maka Al Moukaram, suuqa Riyadh iyo xeebta Siesta.
Howlgalka oo la sheegay in lagu diyaariyay xog sirdoon iyo baaritaanno garsoor ayaa lagu bartilmaameedsaday shaqsiyaad hore loo aqoonsaday oo loo haystay ku lug lahaanshaha falal dambiyeedyo kala duwan.
Ciidamada ayaa sheegay in dadka la qabtay ay ku jiraan koox ku takhasustay xatooyada baabuurta. Dadkan oo loo haysto dambiyo iyo dacwado ayaa la dhigay xabsi si baaritaanno dheeraad ah loo sameeyo, halka ajaaniib sharci darro ku joogtay dalka dib loogu celiyay dalalkoodii.
Bilihii la soo dhaafay, ciidamada ammaanka Jabuuti ayaa kordhiyay howlgalada kormeerka iyo roondooyinka kadib kororka dambiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah ee ka dhacay qaar ka mid ah xaafadaha caasimadda.
“Ciidanka Booliska Militariga wuxuu markale caddeynayaa go’aankiisa adag ee uu kula dagaallamayo dhammaan noocyada dambiyada si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida shacabka,” ayaa lagu yiri bayaanka Booliska.
HBN ONLINE TV

