Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay wadahadalladii fashilmay ee Dawlada Soomaaliya & mucaaradka

Bayaan ka soo baxay Hawlgalka Kumeelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ugu baaqday dawlada Soomaaliya inay la tashato dhammaan saamileyda si loo gaaro is-afgarad ballaaran oo ku saabsan hannaan doorasho oo loo dhan yahay, hirgelin kara midnimada qaranka isla markaana wax ku ool ah.

Bayaanka ayaa lagu soo dhoweeyay laguna ammaanay in dhinacyada Soomaalida ay dib ugu soo laabteen miiska wada-xaajoodka, iyadoo sidoo kale qiratay doorka ay bahda caalamka ka qaateen taageerada wada-hadallada.

Inkasta oo aan horumar weyn laga gaarin kulamada, haddana hawlgalku wuxuu xusay sida ay dhinacyadu uga go’an tahay sii wadista wada-hadalka iyo raadinta waddo wax ku ool ah inta lagu jiro marxaladda kala guurka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Howlgalka Kumeelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqday shacabka iyo hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay iska kaashadaan wax ka qabashada xaaladda bini’aadantinimo ee sii xumaaneysa iyo khatarta joogtada ah ee argagixisada.

Howlgalka Qaramada Midoobay ayaa markale ku celisay baaqeeda ku aaddan is-xakameyn iyo degganaansho, iyadoo muujisay diyaar garowgeeda ay kula shaqeynayso bahda caalamka dadaallada lagu yareynayo kala qeybsanaanta siyaasadeed ee Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed