Fashilka ku yimid wada-hadalladii u socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah xubnaha mucaaradka ayaa sii xoojiyay xiisadda siyaasadeed ee dalka, iyadoo dowladda ay sheegtay in heshiis la’aanta ay ka dhalatay aragtiyo kala duwan oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka, halka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ay ku eedeeyeen dowladda inay diiday qorshe lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah kadib dhammaadka muddo xileedka hay’adaha dowladda.
Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeystay in dowladda aysan ka tanaasuli doonin dastuurka cusub ee dalka, isla markaana muddo xileedka dowladdu uu ku egyahay 15-ka May 2027.
Halkan ka daawo warbixin soo koobeysa wararkii ugu dambeeyey ee arrimahan.👇
HBN ONLINE TV

