Shirka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka oo galay maalintii labaad ayaa lagu warramayaa inaan weli laga gaarin wax heshiis ah, iyadoo labada dhinac ay isku mari la’yihiin arrimaha la xiriira xaaladda kala guurka ah iyo nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa, maadaama uu dhammaaday muddo xileedka hay’adaha dowladda.
Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay ku ballameen inay dib isugu soo laabtaan markale, si loo sii amba qaado wada-hadallada, waxaana la filayaa in si gaar ah looga doodo hannaanka doorashooyinka iyo muranka ka taagan dastuurka.
Sidoo kale dhinacyada ayaa haatan wadatashiyo gaar gaar ah yeelanaya ka hor kulanka xiga. Mucaaradka oo xiriir dhow la leh maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa la filayaa inay soo bandhigaan nooca doorasho ee ay taageersan yihiin, halka Villa Soomaaliya ay weli ku adkeysaneyso doorasho qof iyo cod ah oo hadda ka socota qaybo kamid ah dalka, halka ay ka qabatay deegaanada Koonfur Galbeed.
Dhanka kale, wakiillada beesha caalamka oo ay kamid yihiin safiirrada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa cadaadis saaraya dhinacyada si heshiis loo gaaro ka hor 15-ka May. Shirkan oo ka socda xarun dowladeed oo ku taalla Xalane ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah, waxaana si weyn ugu lug leh beesha caalamka si xal looga gaaro khilaafka doorashooyinka Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

