Faahfaahin: Dagaal sababay dhimashada saraakiil ciidan oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaas oo sababay dhimashada saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Waxaa la xaqiijiyey inay geeriyoodeen Taliyihii Guutada 8-aad ee ciidanka xoogga dalka Cali Cadow iyo Taliyihii guutada 9-aad qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Yoonis Aadan.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in saraakiishan hoggaaminayeen markii hore dagaal ay la galeen ciidamo la sheegay inay taabacsan yihiin madaxweynihii hore ee maamulkaasi.

Mas’uuliyadda weerarka waxaa sheegtay maamulkii hore ee Koonfur Galbeed, inkastoo aysan jirin wali war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ama maamulka Koonfur Galbeed oo ku saabsan khasaaraha dagaalka iyo xaaladda guud ee deegaanka.

Wararka hordhaca ah ayaa sidoo kale tilmaamaya inuu jiro khasaare kale oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed