Maamulka Gobolka Gedo oo ka horyimid qorshe culus oo Dawlada Federaalku waddo

Khilaafkii muddada dheer u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo maamulka Jubbaland ee ku saabsan gacan ku haynta gobolka Gedo ayaa u muuqda mid wejigiisii ugu dambeeyay galay, kadib markii Guddoomiyaha Gobolka Cabdulaahi Cabdi Jamac Shimbir uu si cad ugu dhawaaqay in maamulka gobolka uu garab istaagayo Jubbaland isla markaana aysan jiri karin doorasho ka dhici doonta.

Guddoomiye Shimbir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garbahaareey ayaa sheegay in qorshaha dowladda dhexe ay doonayso inay doorasho kaga qabato gobolka Gedo aanu suurtagal noqon doonin haddii aysan oggolaansho ka haysan Jubbaland iyo maamulka gobolka.

Sidoo kale, wuxuu shaaciyay in khilaafkii u dhexeeyay isaga iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu soo dhammaaday, isla markaana ay gaareen heshiis siyaasadeed.

“Doorasho lagama qaban karo Gobolka Gedo iyadoo aysan ogeyn maamulka Jubbaland iyo maamulka Gobolka Gedo. Aniga iyo Axmed Madoobe khilaafkii naga dhexeeyay waan heshiinnay,” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Gedo.

Wuxuu shuruud ka dhigay haddii la doonayo in doorasho gobolka laga qabto ay tahay in marka hore sanduuqa la geeyo Kismaayo, inkasta oo uu ku eedeeyey dowladda in xiligan doorasho aanay ka qabankarin maadama uu wakhtii ka dhamaaday.

“Doorashada marka Kismaayo sanquuda lageeyo ayaa Gedo lagaynaa,” ayuu yiri Cabdullaahi Shimbir.

Hadalkan ayaa loo arkaa dhabar jab siyaasadeed oo ku yimid qorshihii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadanaa maamulka iyo doorashooyinka gobolka Gedo, xilli ay weli taagan yihiin murannada siyaasadeed ee u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo Jubbaland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed