Dowladda Turkiga ayaa maanta oo Arbaca ah si adag u beenisay eedeymo lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in Ankara ay faragelin ku heyso siyaasadda gudaha ee Soomaaliya iyadoo adeegsaneysa joogitaankeeda militari ee dalka.
Bayaan lagu daabacay Xarunta La-dagaallanka Wararka Been-abuurka ah ee Turkiga ayaa lagu sheegtay in wararka ay fidisay warbaahinta taageerayaal badan ku leh gudah dalkaasi, eedeymane loogu jeediyey dowladda ay yihiin “kuwa gebi ahaanba aan sal iyo raad lahayn.”
Turkiga ayaa sheegtay inay sanado badan waday iskaashi sharci ah oo ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ujeeddadu tahay xoojinta amniga, xasilloonida iyo awoodda hay’adaha dowladda Soomaaliya.
“Joogitaanka ciidamada Turkiga iyo howlaha tababarka ee Soomaaliya waxay ku wajahan yihiin dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, casriyeynta hay’adaha amniga iyo kor u qaadista awoodda la-dagaallanka argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Sidoo kale, bayaanka ayaa si cad u sheegay in ciidamada Turkiga aysan “wax door ah ku lahayn” doorashooyinka Soomaaliya ama arrimaha siyaasadda gudaha ee dalka.
Türkiye ayaa ugu dambeyn ku celisay taageerada ay u hayso sii socoshada hannaan dimuqraadi ah oo nabadeed oo Soomaaliya ka hirgala, iyadoo sheegtay inay si buuxda u ixtiraamayso madaxbannaanida Soomaaliya iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
HBN ONLINE TV

