Muxuu yahay madmadowga siyasaadeed ee ku yimid shaacinta natiijada doorashadii golayaasha deegaanka & Wakiilada Koonfur Galbeed?

Ku dhawaaqista natiijada doorashadii golayasha deegaanka iyo wakiiladda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ka qabatay degaanada maamulka Koonfur Galabeed ayaa wajahaysa madmadow siyaasadeed, kadib markii muddo maalmo ah dib looga dhigay shaacinta natiijada rasmiga ah.

Dib u dhaca ayaa yimid kadib markii dhowr urur siyaasadeed ay diidmo ka muujiyeen natiijada doorashada, iyadoo ay sii kordhayaan murannada iyo cabashooyinka la xiriira habka loo maamulay doorashada iyo tirinta codadka oo 10-kii bishaan lagu qabtay 13 degmo oo ka tirsan seddexda ee Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Qaar kamid ah ururrada siyaasadda ee ka qeybgalay doorashada qof iyo cod ayaa waxay saluug ka muujiyeen hannaanka ay guddiga doorashadu u wadaan geeddi-socodkeeda, iyagoo ku eedeeyay guddiga waa suda ay hadalka u dhigeene wax isdaba marin iyo daahfurnaan la’aan.

Sidoo kale, waxaa socda dadaallo lagu xallinayo muranka ka dhashay geeddi-socodka doorashada. Ururradan ayaa sheegay inay qaadacayaan natiijada doorashada, haddii aan wax laga beddelin cabashooyinka ay qabaan, taasoo sii kordhisay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed.

Guddiga Doorashooyinka oo sheegay inay natiijada ku dhawaaqi doonaan 24-saac gudahood ayaa aan ilaa iyo hadda wax war ah ka soo bixin oo ku aadan xogta Natiijda doorashada. Ilo madaxbanaan ayaa inoo sheegay in guddigu maanta ku tala jiray inuu shaaciyo xogta, balse arimo farsamo dib loogu dhigay, halka maalinta berri ah ay ku dhawaaqi doonaan.

Sida ku xusan warbixinta doorashada, dadka loo diwaan galiyey doorashada ka dhacday magaalada Baydhabo iyo 12 degmo oo kale ayaa gaarayey 376,212 codbixiye, kuwaas oo ay ku tartameen golaha deegaanka 15 Urur oo wata 394 Musharax iyo 18 Urur oo ay taagnaayeen 1,297 Musharax oo golaha deegaanka ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed