Madaxweyne Deni oo Muqdisho ka soo degay, xilli lagu wado inay dhacaan kulamo u dhexeeya Mucaaradka & DFS

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta ka soo degay magaalada Mogadisho, isaga oo lagu wado inuu halkaan kaga qaybgalayo wadahadallo u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS iyo xubnaha siyaasiyiinta Mucaaradka.

Saciid Deni oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo shirar looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, kuwaas oo maalmaha soo socda ka dhacaya Muqdisho.

Shirka la qorsheeyay ayaa la sheegay inuu u dhexeeyo wakiillo kala metelaya Golaha Mustaqbalka iyo DFS, iyadoo beesha caalamka lagu tilmaamay inay fududeyneyso wada-hadallada.

Inkasta oo Dowladda Federaalka ay beenisay in dhexdhexaadin rasmi ah ay wadaan dalal shisheeye sida Mareykanka, haddana wararka la helayo ayaa sheegaya in kulamadu ay ka dhici doonaan xarun ku taalla garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Wadahadalan ayaa ku soo aadaya, iyada oo siyaasiyiinta Mcuaaradka, garabkooda Muqdisho ay markale ku dhawaaqday bannaanbax kale oo ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS, kaas oo la qorsheeyay 16-ka bishaan May 2026.

Madaxweyne Deni ayaa Muqdisho ka tagay dhamaadka bishii 2-aad ee sanadkan, kadib markii 23-kii Febraayo uu natiijo la’aan kusoo dhammaaday shirkii iyaga iyo madaxda DFS u socday la isku afgara waayey ajendaha shirka, kaasi oo mardambe dowladdu sheegtay in waxaan la aqbali karin ay qaar kamid ah siyaasiyinta Mucaaradka miiska soo saareen.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed