Mucaaradka oo markale Muqdisho ka iclaamiyey banaanbax looga soo horjeedo DFS

Madasha Samata-bixinta Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday bannaanbax kale oo ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS, kaas oo la qorsheeyay inuu ka dhaco magaalada Mogadishu 16-ka May 2026. Mucaaradka ayaa dowladda ku eedeeyay inay hor istaagtay bannaanbax ay horey u qorsheeyeen inuu ka qabsoomo Muqdisho, kaas oo ay sheegeen in loogu hiilinayay dad laga saaray guryahooda.

Madasha ayaa waxay sheegeen inay sii wadi doonto waxa ay ku tilmaantay “halgan nabadeed” oo ka dhan ah barakicinta khasabka ah iyo ku takrifalka awoodda dowladda. Waxay sidoo kale sheegeen in bannaanbaxii hore uu ahaa mid waafaqsan dastuurka, islamarkaana hay’adaha ammaanka si rasmi ah loogu wargeliyay goobta iyo waqtiga uu dhacayay.

Madashu oo sheegay in dowladda markii hore ku adkaysatay in dibadbaxa lagu qabto garoonka Eng. Yariisow ee Ex-Koonis, ayna u hoggaanka mucaaradka aqbaleen si looga fogaado xiisad amni ayaa tilmaamay in magaalada lagu soo daadgureeyey ciidamo ka tirsan militariga, booliska iyo hay’adaha sirdoonka, iyadoo la xiray waddooyin muhiim ah, isla markaana la xaddiday isu socodka dadweynaha iyo gaadiidka.

“waxaan halkan ku iclaamineynaa in bannaanbaxa nabadeed ee xiga uu dhici doono maalinta Sabtida ah ee 16-ka May 2026. Madasha Mustaqbalka Soomaaliya ma aqbali doonto isku day kasta oo dowladda waqtigeedu sii dhammaanayo ay ku xaddideyso ama ku hagayso sida loo adeegsanayo xuquuqaha dastuuriga ah ee shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warka Mucaaradka.

Madashu waxay sidoo kale ku eedeysay ciidamada ammaanka inay rasaas nool ku fureen dad dibadbaxayey oo ku sugnaa degmada Dayniile. Sida lagu sheegay bayaanka, hal qof ayaa ku dhintay rasaasta halka 2 kale ay ku dhaawacmeen.

Waxay tacsi u dirtay qoyska qofka dhintay, iyadoo ugu baaqday dowladda in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo dhacdadaasi isla markaana cadaaladda la horkeeno cid kasta oo ku lug leh.

Madashu waxay sheegtay in tallaabooyinka amni ee la qaaday ay si weyn u saameeyeen sida ay hadalka u dhigeen noloshii caadiga ahayd ee Muqdisho, oo ay ku jiraan isku socodka, waxbarashada, ganacsiga iyo adeegyada kale ee bulshada.

Mucaaradka ayaa ku baaqday in la sii daayo dhalinyaro iyo dad kale oo loo xiray ka qaybgalka bannaanbaxyada, lana joojiyo waxa ay ku tilmaantay cabsi gelinta lagu hayo siyaasiyiinta mucaaradka, suxufiyiinta iyo dadka u ololeeya xuquuqda bulshada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed