Guddiga Doorashooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa shaaciyey inuu qorsheynayo in doorashooyinka qof iyo codka ah lagaga hirgeliyo deegaanada Somaliland iyo Puntland, iyadoo qeyb ka ah dadaallada lagu ballaarinayo doorashooyinka tooska ah ee dalka.
Guddoomiyaha Guddiga Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa sheegay in hadafka guddiga uu yahay in doorashada madaxtinimada dalka lagu gaarsiiyo gobollada ay ka taliyaan maamullada Somaliland iyo Puntland.
“Waxaan qaban doonaa in Maamullada Somaliland & Puntland aan gaarsiino doorashada qof iyo codka ah. Deegaanadaasi waa ka dheceen doorashooyinkii caadiga ahaa, laakiin tan madaxweynaha Insha Allah inaan gaarsiino baa anaga hadafkeenu yahay, haddaan nahay guddiga madaxa banaan ee doorashada qaranka,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariim.
Hadalkaasi ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay shalay doorasho qof iyo cod ah ka qabatay seddexda gobol ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka arimiyo, kuwaa oo ay dadka ka qayb qaatay ay gaarayeen 376,212 codbixiye.
Dhanka kale, Dowladda ayaa wada in doorasho nuucaan ah ay ka qabato maamullada Galmudug, Waqooyi Bari, Hirshabeelle iyo Jubbaland oo la sheegay in loo asteeyey gobolka Gedo.
Weli hoggaanka Somaliland iyo Puntland oo si ka madaxbanaan DFS u qabsada doorashooyinkooda kama jawaabin hadalka guddiga doorashooyinka Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

