DFS oo Mucaaradka ku eedeysay inay ka dhuumanayan doorashooyinka qof iyo cod ah, ayna ka doorbiyadaan Afduub siyaasadeed

Dowladda Soomaaliya ayaa Siyaasiyiinta mucaaradka ku dhaliishay in ay diidan yihiin Doorasho Dadweyne, kana doorbidayaan sida ay ku dooday in ay carqalad ku sameeyaan hanaanka siyaasadda dalka,

Sida uu sheegay wasiiru dowlaha arimaha Soomaaliya Cali Cumar (Cali Balcad) sheegay in aanay marnaba Dowladdu aqbali doonnin in ‘Afduub siyaasadeed lagu sameeyo Doorashada iyo rabitaanka shacabka, isaga oo intaas ku daray in ujeedada mucaradka uu yahay cabsi ay ka muujinayaan sida uu hadalka u dhigay sanduuqa codbixinta.

“Soomaaliya uma afduubnaan karto kuwa ka baqaya sanduuqa codbixinta, luguma afduubi karo fowdo la sameeyay. Laguma afduubi karo cadaadis siyaasadeed oo loo ekaysiiyay walaac dastuuri ah. Lagumana afduubi karo hanjabaad qalalaase oo si ula kac ah loo abuuro si dimuqraadiyadda looga dhigo mid ka adag sida ay dhab ahaan tahay” ayuu yiri Wasiir Balcad.

Tiro wasiiro ah oo uu ku jiro wasiir Cali Balcad iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka falceliyay dibadbaxa mucaaradka uu ku dhawaaqay, balse ugu dambayn socon waayay maadaama xubnaha Mucaaradku ay ku doodeen in caqabado la hordhigay sida ay hadalka u dhigeen.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed