Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku qabtay shir xasaasi ah oo ay kaga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dhammaadka muddada xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ku dhawaaqay banaanbax ay ugu yeereen mid lagu difaacayo xaquuqda dadka guryahooda laga saaray.
Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka ayaa shirkan ku iclaamiyay banaanbax ballaaran oo lagu qaban doono Muqdisho 10-ka bishan May, isagoo ugu baaqay shacabka magaalada, gaar ahaan dadka barakacay, inay si weyn uga qeyb qaataan si ay uga dhiidhiyaan sida uu hadalka u dhigay dhulboob iyo barakicin uu sheegay inuu ka socdo caasimadda.
“Waxaa rabnaa in loo banaanbaxo si loo joojiyo dhulboobka iyo barakicinta Muqdisho, 10-ka bisha ayaa go’aaminay,” ayuu yiri Shariif, isaga oo ku dooday in Banaanbaxan cidna fasax uga baahnayn.
Sidoo kale, Shariif ayaa ka digay in ciidamada amniga ay waxyeello u geystaan dadka ka qeyb galaya banaanbaxa, isagoo sheegay in lala xisaabtami doono cid kasta oo dhibaateysa shacabka. Waxa uu intaa ku daray in dowladda Federaalka ay ka dhammaatay muddadii sharciyeed, taasoo sii kordhinaysa xiisadda siyaasadeed ee dalka.
Isla maalintan ay mucaaradka iclaamiyeen banaanbaxa, ayaa ah maalintii uu Madaxweyne Xasan Sheekh qabsaday inay is arkaan isaga iyo mucaaradka, si looga wada-hadlo xaaladda sii cakirmeyso ee siyaasadda, isla markaana weli la isku fahmi la’yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka KMG ah.
Ma jiro wali war rasmi ah oo ka soo baxay dawlada Soomaaliya oo ku aadan baaqa bannaanbaxa ee ka soo yeeray mucaaradka.
HBN ONLINE TV

