Dowladda Soomaaliya oo sharuudo culus ku soo rogaysa goobaha caafimaadka

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa sheegay in wasaaraddu ay qaadayso tallaabooyin lagu adkeynayo kormeerka farmashiyeyaasha dalka, si looga hortago khataraha ka dhalan kara dawooyinka aan lagu kaydin xaalad ku habboon.

Wasiirka ayaa tilmaamay in la xiri doono farmashiyeyaasha aan lahayn qaboojiye (refrigerator), isagoo sidoo kale xusay in la hubin doono aqoonta shaqaalaha ka shaqeeya goobahaas, lagana doonayo inay haystaan shahaado caafimaad oo rasmi ah.

“Farmashiga aan qaboojiye ku jirin hala xiro, waana la joogaa waqtigeedii, qofka ka shaqaynayana waa in uu shahaado haystaa, Dowladda waxaa mas’uuliyad ka saaran Arrinaas, Kunteenarka daawada lagu keenno ee aan lahayn qaboojiye lama aqbali karo” ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka.

Sidoo kale, Dr. Cali Xaaji ayaa sheegay in aan la aqbali doonin daawo lagu keeno ama lagu kaydiyo goob aan lahayn qaboojin ku filan, isagoo xusay in tallaabooyinkani ay qeyb ka yihiin ilaalinta tayada daawooyinka iyo badbaadada shacabka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed