Sida lagu sheegay warbixin cusub, Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Soomaaliya ay wajahayso mid ka mid ah dhibaatooyinka nafaqo-darrada ugu daran adduunka, iyada oo ku dhowaad 2 milyan oo carruur ah oo ka yar da’da shanta sano la saadaaliyey inay la ildaran yihiin nafaqo-darro ba’an, ayna ku jiraan 483,000 oo qaba nafaqo-darro aad u daran.
War saxaafadeedkan oo ay soo saartay Xafiiska Hay’adda Cunada aduunka WFP ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay wajahayso caqabado isku dhafan oo ay ka mid yihiin colaado daba dheeraaday, abaaro, barakac, adeegyoada bulshada oo xaddidan iyo hoos u dhac ku yimid maalgelinta gargaarka bani’aadannimo.
Saboolnimada ayey tilmaantay inay weli si weyn dalka uga jirto, iyadoo 54% shacabka ay ku nool yihiin meel ka hooseysa heerka saboolnimada, halka Helitaanka waxbarashada uu hooseeyo, dhalinyaraduna ay haystaan fursado aad u kooban.
WFP ayaa warkeeda ku dartay in Isbeddellada cimilada ee soo noqnoqda iyo kuwa daran ay burburiyeen beeraha iyo hab nololeedka bulshada, taas oo sii kordhisay nuglaanta dadka dalka ku nool, isla markaana colaadaha joogtada ah ay boqolaal kun oo qof ku khasabtay inay ka cararaan guryahooda si ay u raadsadaan cunto iyo hoy.
Hay’addu waxay sheegtay inay Saameynta arrintan ay noqotay mid aad u weyn, iyadoo la saadaalinayo in 6.5 milyan oo qof ay wajihi doonaan heerar macluul iyo gaajo aad u daran ama ka sii xun, halka 2 milyan oo kamid ah ay geli doonaan heer xaalad degdeg ah, sida lagu cabbiro heerarka IPC ee caalamiga ah.
WFP ayaa intaasi ku dartay in Xaaladdu si weyn ugu dhowdahay middii ka horreysay qalalaasihii sanadkii 2022, xilligaas oo macluusha si dirqi ah looga hortagay, kadib markii si aan horay loo arag loo kordhiyay gargaarka bani’aadannimo. Si kastaba, yaraanta dhaqaale ee hadda jirta ayaa halis gelinaysa sida ay sheegtay WFP in howlaha naf badbaadinta ah caqabado la kulmaan, iyada oo si degdeg ah loogu baahan yahay taageero si looga hortago musiibo bani’aadannimo oo weyn.
HBN ONLINE TV

