Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka jawaabay casuumaaddii wadahadal ee uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo la qorsheeyay inay dhacdo 10-ka May 2026, ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan, balse ay ku xirayaan shuruudo muhiim ah.
War saxaafadeed uu soo saaray Golaha ayaa lagu xusay in ay horey uga qayb qaateen wadahadallo ay barbar socdeen tallaabooyin ay ku tilmaameen kuwo sharci-darro ah oo lagu beddelayay dastuurka, taas oo ay sheegeen inay dhaawacday kalsoonidii loo baahnaa.
Sidoo kale, waxay tilmaameen in casuumaadda cusub ay timid xilli uu Madaxweynuhu ku dhawaaqay jadwal doorasho oo hal dhinac ah sida hadalka ay u dhigeen, islamarkaana ay weli socdaan falal ay ka mid yihiin barakicin iyo xarig dhalinyaro, kuwaas oo ay ku sifeeyeen kuwo caqabad ku ah wadahadal dhab ah.
Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wadahadal, balse ay shuruud uga dhigeen laba qodob oo ah in la joojiyo tallaabooyinka doorasho ee hal dhinac ah iyo in la helo hannaan dhexdhexaadin madax-bannaan oo lagu wada kalsoon yahay.
“Goluhu wuxuu caddeynayaa inuu diyaar u yahay wadahadal, haddii uu Madaxweynuhu qaado tallaabooyinkan soo socda: koowaad In uu muujiyo daacadnimo dhab ah oo ku aaddan wadahadalka, joojiyana tallaabooyinka doorasho ee halka dhinac ah ee natiijadeeda la sii ogayahay, balse qof iyo cod ku magacaaban iyo labo In la helo hannaan dhexdhexaadin madax-bannaan oo la isku raacsan yahay.” ayaa lagu yiri golaha Mustaqbalka.
Ugu dambeyn, Golaha ayaa ku adkeystay in heshiis siyaasadeed laga gaaro doorashooyinka ka hor 15-ka May 2026, iyagoo ka digay in haddii taasi dhici weydo ay qaadi doonaan tallaabooyin ay ku badbaadinayaan midnimada iyo dowladnimada dalka.
HBN ONLINE TV

