Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa si adag u beenisay warar ay sheegtay in lagu baahiyay warbaahinta iyo baraha bulshada, kuwaas oo sheegayay in dowladda Soomaaliya ay go’aan ku gaartay musaafurinta Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana ay yihiin warar marin-habaab ah oo lagu doonayo in lagu waxyeelleeyo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
Bayaanka Wasaaradda ayaa ugu baaqday warbaahinta iyo shacabka inay muujiyaan feejignaan, isla markaana ay xaqiijiyaan saxnaanta xogta ay faafinayaan, iyagoo ku tiirsan ilo rasmi ah.
Inkasta oo khilaaf heerkiisu sareeyo ka dhex jiro labada dal, hadane Muqdisho ayaa sheegtay in la adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee dal, iyada oo ka digtay faafinta wararka been abuurka ah ee dhaawici kara sumcadda dalka iyo xiriirrada caalamiga ah.
HBN ONLINE TV

