Kenya oo sheegtay in ay dhaqaale badan ku waysay xirnaashiyaha Xadka Soomaaliya

Xirnaanshaha xadka ay la wadaagto Soomaaliya, Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ku waysay dhaqaale badan, iyadoo wasiirka caafimaadka Aadan Barre Ducaale uu taageeray qorshaha dib loogu furayo marinka isku xira labada dal.

Aadan Ducaale ayaa sheegay in inkastoo xadka muddo dheer si rasmi ah u xirnaa, haddana ganacsiga iyo isu socodka dadka uu si aan rasmi ahayn u socday, taasoo keentay in dowladda ay wayso dakhli badan oo canshuuro ah.

“Waa inaan go’aan ka gaarnaa sababta xadka Kenya iyo Soomaaliya u xiran yahay, iyadoo dhab ahaantii aanu xirneyn. Badeecooyin iyo dad badan ayaa isaga gudba xadka, dowladda ayaana heli kartay dakhli badan,” ayuu yiri wasiir Ducaale.

Hadalka wasiirka ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Kenya, William Ruto, uu shaaciyay qorshe lagu furayo marinno muhiim ah oo ku yaalla gobollada Mandheera iyo Gaarisa, si loo xoojiyo ganacsiga xuduudaha isaga gudba.

Xadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa la xiray sanadkii 2011-kii sababo amni awgood, gaar ahaan weerarrada Alshabaab. Inkastoo isku day dib-u-furid ah la sameeyay sanadkii 2023 uu hakaday, haddana Kenya ayaa hadda qaaday tallaabooyin cusub oo lagu fududeynayo isu socodka iyo ganacsiga labada dal.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed