Maamulka Puntland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay duqeymo iyo howlgallo militari oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Daacishta ku sugan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, iyadoo la sheegay in kooxda lagu gaarsiiyay khasaare culus.
Xukuumadda Puntland oo soo xiganeysa saraakiisha ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ayaa sheegtay in duqeymo dhacay 24-kii saac ee la soo dhaafay lagu bartilmaameedsaday fariisimo iyo godad ay ku sugnaayeen xubno Daacish ah, gaar ahaan aagga togga Miiraale.
Afhayeenka Howlgalka Hilaac ee Puntland, Jeneraal Maxamed Maxamuud Faadhigo, ayaa sheegay in duqeymahaasi ay fuliyeen sida uu hadalka u dhigay Maraykanka, isagoo xusay in meelo badan oo looga shakiyay inay ku dhuumaaleysanayeen kooxda lagu garaacay madaafiic, inkastoo aan weli la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarradaasi.
Dhanka kale, taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika AFRICOM ayaa aan weli si rasmi ah uga hadlin ama u xaqiijin inay ka qeyb qaateen howlgalka cirka ah ee lagu beegsaday Daacish-ta gobolka Bari.
Sidoo kale, dagaal u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo maleeshiyaad ka tirsan Daacish ayaa ka dhacay tog lagu magacaabo Ina Cidoole oo isna ku yaalla buuraha Calmiskaad, halkaas oo lagu dhaawacay 3 askari, iyadoo ciidamada maamulku ay sheegeen inay jab xooggan gaarsiiyeen kooxda.
Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa sheegay inay wali wajahayaan caqabado dhinaca howlgalka ah, gaar ahaan miino baaris la’aan iyo adeeg caafimaad oo kooban, hase yeeshee waxay xuseen inay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Daacish ee ka socda deegaannada Calmiskaad.
HBN ONLINE TV

