Mucaaradka Soomaaliya oo shir ka leh wadahalada ay la gali doonaan hoggaanka DFS

Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Mogadishu, iyaga oo ka arrinsanaya mowqif mideysan oo ay ka qaadanayaan wada-hadallada siyaasadeed ee ay dowladda Federaalka Soomaaliy DFS qorsheysay inay qabato maalmaha soo socda, xilli ay cirka isku sii shareerayaan khilaafaadka la xiriira doorashooyinka dalka.

Kulankan oo dhacaya 6 maalmood ka hor taariikhda ay dowladda u asteeysay wada-tashiyada siyaasadeed, ayaa wararku sheegayaan in hoggaamiyeyaasha mucaaradku ay isku afgaranayaan ajandaha iyo qodobada ay miiska wada-hadallada la tagayaan, iyo sidoo kale sida ay uga jawaabi doonaan casuumaadda dowladda.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in mucaaradku ay ka doodayaan hindise doorasho oo cusub, kaas oo ka duwan nidaamka ay hadda dowladda soo jeedisay iyo qaabkii doorashadii 2022-kii loo maray, si loo helo tanaasul siyaasadeed oo lagu wada qanci karo.

Wada-hadalladan ayaa ku soo aadaya xilli beesha caalamka ay sare u qaadayso cadaadiska ay ku doonayso in dhinacyada Soomaalida ay heshiis siyaasadeed gaaraan ka hor 15-ka May.

Mucaaradka ayaa ku doodaya in muddada xilheynta dowladda hadda jirta ay si rasmi ah u dhammaaneyso marka la gaaro 15-ka bishaan May, halka DFS ay sheegtay in muddo xileedkeedu soconayo ilaa sanadka 2027, iyadoo cuskaneysa dastuurkii dhowaan la ansixiyay.

Si kastaba, mucaaradka, maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaan dastuurka cusub aqoonsana taas oo sii muujinaysa kala aragti duwanaanta weli ka taagan hannaanka siyaasadeed iyo doorashooyinka dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed