Telefishinka Kanaal 12 ee Israa’iil laga leeyahay ayaa maanta baahiyay in masuul sare oo ka tirsan maamulka Somaliland uu sheegay in ay diyaar u yihiin inay kala shaqeyso Israa’iil, si looga hortago waxa uu ku tilmaamay “khataraha Xuutiyiinta” ee marinnada maraakiibta. Masuulkan oo aan la magacaabin ayaa xusay in wax kasta oo khalkhal gelinaya amniga badda ay horseedi karaan is-afgaradyo gaari kara heer “isbahaysi amni” oo lala yeesho Israa’iil.
Masuulka ayaa sidoo kale tilmaamay in Somaliland ay horey ula shaqeynaysay la-hawlgalayaal ay ka mid yihiin Maraykanka iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo joogitaan ku leh dekedda Berbera, isla markaana ay suuragal tahay iskaashi la mid ah kan lala yeesho Israa’iil, iyadoo Israa’iil ay u arkaan lammaane istiraatiiji ah oo lagu wajahayo caqabado wadajir ah, isaga oo ku tilmaamay labada dhinac inay yihiin “miisaan ka hortag ah” oo gobolka ka jira.
Dhanka kale, kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa horey u sheegay inay diyaar u yihiin inay faragelin milatari sameeyaan haddii ay sii socdaan waxa ay ku tilmaameen gardarro Maraykan iyo Israa’iil ay ku hayaan Iiraan. Waxay sheegeen in tallaabo kasta oo noocaas ah ay halis ku tahay xasilloonida heer gobol iyo caalami.
Sidoo kale, kooxda reer Yemen ayaa marar badan ku celcelisay in amniga Bab al-Mandab uu gacanta ugu jiro ciidamadeeda, isla markaana ay ka jawaabi doonaan tallaabo kasta oo ay qaadaan cadowgooda.
Dhamaadkii Diseembar ee sanadkii hore, Israa’iil ayaa ku dhawaaqday aqoonsi rasmi ah oo ay siisay Somaliland, waxaana hadda la hadal hayaa suurtagalnimada in saldhig milatari laga sameeyo halkaas, arrintaas oo dhalisay falcelin xooggan oo ka timid Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka gobolka, sida uu sheegay telefishinka Kanaal 12.
Inkastoo xiriirka sii xoogeysanayo, tallaabooyin rasmi ah sida booqashada madaxweynaha Somaliland ayaa weli dib u dhacday sababo la xiriira dagaalka Bariga Dhexe.
HBN ONLINE TV

