Maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay iska hor-imaad saaka ka dhacay deegaanka Garacad ee gobolka Mudug, kaas oo dhexmaray ciidamo ka tirsan Booliska maamulkaasi iyo koox hubeysan, kaasi oo ay ka dhasheen khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Taliyaha qaybta Booliska gobolka Mudug Puntland , Gashaanle sare Maxamuud Muuse Fardafuul, oo shir jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo, ayaa sheegay in koox hubeysan ay aroornimadii saaka weerar ku qaadeen saldhigga Garacad oo lagu hayay rag lagu eedeeyay falal lagu tilmaamay burcad-badeednimo.
Weerarkaasi ayaa sababay dhimashada hal askari oo ka tirsan Booliska Puntland iyo dhaawaca askari kale. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ammaanku ay ku daba jiraan kooxdii weerarka qaaday, isla markaana sharciga la horkeeni doono.
Wararka ayaa intaas ku daraya in meel u dhow Garacad lagu haysto markab ganacsi oo lagu magacaabo MV Sward, kaas oo dhowaan kooxo burcad-badeed ah ka afduubteen meel qiyaastii 12 mayl u jirta xeebaha Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

