Qoys hooyo uur leh iyo caruur ka kooban oo Muqdisho lagu dilay

Hooyo xaamilo ah iyo laba carruur ah oo ay dhashay ayaa maanta lagu dilay degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, kadib rasaas la sheegay inay fureen ciidamo dowladda ay u dirtay inay dadka shacabka ah ka saaraysaan xaafad ku taalla deegaanka oo lagu magacaabo Waayaabee.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka, ciidamada ayaa xoog ku galay xaafadda oo ku taalla inta u dhexeysa xeryaha Ciidamada Cirka iyo Badda Soomaaliya, meel u dhow ilinka laga galo Iskool Buluusiya, iyadoo rasaas la furay ay sababtay dhimashada laba carruurta ah oo Hooyadood Xaamilo ah ahayd oo dhaawac soo gaaray u geeriyootay.

Qoysaska laga saaray goobta ayaa sheegay in si qasab ah looga barakiciyay guryahooda, iyagoo tilmaamay in aanay hadda aqoon meel kale oo ay deggaan. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale cabasho ka muujiyay qaabka loo fuliyay howlgalka, iyagoo sheegay in xaalad jahwareer iyo cabsi leh ay ka taagan tahay halkaasi.

Nin sheegay inuu yahay adeerka haweeneyda la dilay ayaa ku eedeeyay ciidamada booliska ee degmada Xamarjajab inay ka dambeeyeen falkaasi, isagoo meydka ag taagnaa ku dhawaaqayay “Cadaalad ayaan rabnaa”.

Muuqaallo laga soo duubay goobta ayaa muujinayay dad alaabtooda sita iyo buuq ka jiray xaafadda xilliga dadka laga saarayo.

Weli laamaha amniga gobolka Banaadir kama aanay hadlin dhacadaan maanta sababtay khasaaraha rayid ee lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen ciidamada dowladda.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed