Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay xiisadda siyaasadeed ee kala dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS, isagoo si adag ula hadlay dadka deegaanada maamulkaasi ka soo jeeda EE mucaaradka ah.
Deni oo ku sugan degmada Carmo oo maanta tababar uu ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka cusub ee Booliiska Puntland ayaa sheegay in ay jiraan dhaqdhaqaaqyo uu ku tilmaamay “dowlad dumin” oo ka socda gudaha maamulkaais, kuwaas oo uu ku eedeeyay in ay wadaan dhinacyo xiriir la leh DFS.
Wuxuu sidoo kale ka digay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo uu sheegay in ay halis gelin karaan amniga iyo xasilloonida Puntland. Isagoo hadalkiisa sii wata, Deni ayaa si adag ula hadlay dad gobolka ka soo jeeda oo uu sheegay inay qorshe maamulka ka soo horjeeda gacanta kula jiraan oo ku aadan askarayn iyo ciidamo la qorayo.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland aysan marnaba aqbali doonin wuxuu ugu yeeray “ismadoobayn, gacan soo taag iyo ciidan meel taagan,” isagoo digniin u diray cid kasta oo uu sheegay inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha Puntland.
“Dadka reer Puntland ee caadeystay inay sharci ka weynaadaan talaabaa laga qaadaa. Puntland dadkeeda way ku filan tahay, dowladnimadeedana way difaacaysaa ama meel dheer gacanta ka soo rido ama meel dhow, adaay kuu taalaa,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Dhinaca kale, wuxuu si adag u dhaliilay ciidamada uu ku tilmaamay inay “tahriib” ku shaqeynayaan, isagoo yiri: “Ciidan tahriiba Puntland kama shaqeyn karo. Askarta intii xumaataa Xamar aaday, oo leh xaggaa la inaga soo qaramaynaa, maxay tahay qarankaa ka shaqeynaysid, waa qaran dumis waana la iska qabanaa” ayuu yiri marklae Deni.
Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda iyo doorashooyinka.
HBN ONLINE TV

