Gaadiidka ka shaqeeya waddada Gaarissa iyo Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu soo waramayaa inay gabi ahaanba shaqada joojiyeen, kadib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen bas ay saarnaayeen rakaab Soomaali ah oo marayay deegaanka Ukasi ee gobolka Kitui.
Weerarka ayaa cabsi xooggan ku abuuray rakaabka iyo darawallada isticmaala waddadaasi, iyada oo dadka Soomaalida ah looga digay inay maraan jidka dheer ee Gaarissa iyo Mwingi, inkasta oo hakad la galayey gadiidka Basaska.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in bas la weeraray lagu tuuray dhagxaan, taasoo burburisay muraayadda hore ee gaariga. Darawalka ayaa si xawaare sare ah uga baxsaday goobta isagoo aan istaagin si uu uga badbaado weerarka.
Dhacdada kadib, basas badan oo safar ku jiray ayaa hakiyay socdaalkooda, iyadoo darawallada iyo rakaabku ay diideen inay sii wataan safarka ilaa ammaankooda la xaqiijiyo. Xiisad ayaa weli ka taagan waddada isku xirta Gaarissa iyo Mwingi.
Wararkan ayaa imanaya iyadoo 2 qof lagu dilay deegaankaasi weerarro la sheegay inay ahaayeen kuwo aar-goosi ah. Sidoo kale, Axaddii la soo dhaafay 7 qof ayaa lagu dilay deegaanka Tseikuru ee gobolka Kitui, weerarro ay booliisku ku tilmaameen kuwo la xiriira colaado beeleed.
Taliyaha Booliiska Kenya Douglas Kanja ayaa deegaanka u diray ciidamo dheeraad ah oo uu hoggaaminayo ku-xigeenkiisa Eliud Lagat si loo xakameeyo xaaladda. Dowladda Kenya ayaa ugu baaqday shacabka inay isdejiyaan, iyadoo dadaallo lagu doonayo xal nabadeed ay socdaan.
HBN ONLINE TV

