Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay sababta Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari uga mid noqon waayay wejiga koowaad ee Mashruuca Bulsho, oo si rasmi ah loo daahfuray Muqdisho 27-kii Abriil 2026.
Bayaan ka soo baxay wasaradda ayaa lagu sheegtay in mashruucan oo ay maalgelinayso Baanka Adduunka uu yahay mid loogu talagalay xoojinta bulshada iyo hay’adaha maxalliga ah, si loo adkeeyo wadajirka bulshada, ka-qaybgalka loo dhan yahay iyo adkaysiga deegaanada, gaar ahaan kuwa fogfog ee adeegyada ay ku yar yihiin.
Mashruuca Bulsho ayaa leh wejigiisa koowaad muddo 3 sano iyo bar ah, waxaana ku baxaya dhaqaale dhan $35 milyan. Dowladda ayaa tilmaamtay in dowlad goboleedyadii ka qayb galay diyaarinta mashruuca ay mid walba heli doonaan qoondo dhan $5 milyan oo dollar.
Wasaaradda ayaa caddeysay in sababta ugu weyn ee Waqooyi Bari uga maqnaatay mashruuca ay tahay in geeddi-socodka diyaarintiisu uu bilowday bishii Maajo 2023, xilli aan weli la dhisin maamulkaas. Waxaa la xusay in maamulka si rasmi ah loo dhameystiray 30-kii Agoosto 2025, halka mashruuca la ansixiyay bishii Abriil 2025, isla markaana uu dhaqan galay Agoosto 2025.
Sidoo kale, kulamadii muhiimka ahaa ee mashruuca lagu diyaarinayay ayaa la qabtay intii u dhexeysay 2023 iyo horraantii 2025, oo ay ka mid ahayd shirkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Nairobi bishii Febraayo 2025.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay inay hadda wadaan qorsheyaal lagu hubinayo in Dowlad Goboleedka cusub ee Waqooyi Bari laga qeyb geliyo mashaariicda mustaqbalka, isla markaana lagu daro barnaamijyada socda ee ay suurtagalka tahay.
Mashruuca Bulsho ayaa loo arkaa mid muhiim u ah horumarinta adeegyada iyo xoojinta awoodda bulshooyinka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool deegaanada ay adag tahay in la gaaro.
HBN ONLINE TV

