Booliska Waqooyi Bari oo Soo Qabtay Eedeysane ku lug leh Tahriibinta Dhalinyarada

Ciidanka Booliska maamulka Waqooyi Bari, gaar ahaan qeybta gobolka Sool, ayaa sheegay in gacanta ay dhigeen eedeysane lagu magacaabo Farxaan Farax Shaciye, kaddib howlgal dabagal ah oo ay sameeyeen, kanaashanayeenna shacabka deegaanka.

Eedeysanaha ayaa lagu tuhunsan yahay sida Boolisku sheegay inuu door weyn ku lahaa shabakad tahriibin oo dhalinyaro ka qaadi jirtay deegaannada Waqooyi Bari sida Laascaanood iyo Buuhoodle. Booliska ayaa sheegay in uu adeegsan jiray sida hadalka loo dhigay xeelado khiyaano ah, oo ay ku jiraan muuqaallo been abuur ah oo lagu muujinayo dhalinyaro la jirdilayo, kuwaas oo lagu sheegay inay ku sugan yihiin xeebaha Liibiya, gaar ahaan magaalada Bangaasi.

Muuqaalladan ayaa la sheegay in lagu duubi jiray gudaha dalka, iyadoo loogu talagalay in lagu qanciyo waalidiinta si looga qaato lacago lagu sheegay sida hadalka loo dhigay badbaadinta carruurtooda.

Sidoo kale, ciidamada ayaa warkoodu ku sheegay inay ku guuleysteen inay soo badbaadiyaan qaar ka mid ah dhalinyaradii uu tahriibinayey eedeysanaha, iyagoo soo bandhigay caddeymo muujinaya lacagaha laga qaaday, kuwaas oo la marsiin jiray adeegyada lacag dirista.

Farxaan Farax Shaciye ayaa haatan ku jira gacanta Booliska, waxaana socda baaritaanno dheeri ah oo lagu dhameystirayo kiiska, si sharciga loo horkeeno.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed