Goleyaasha wakiillada iyo deegaanka Somaliland oo muddo kordhin lagua sameeyey

Golaha Guurtida Somaliland ayaa muddo kordhin dhan 2 sano iyo 3 bilood ah u sameeyey goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, kaddib markii ay xukuumaddu ku guuldareysatay inay doorashooyinka ku qabato waqtigii loogu talagalay.

War-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay golaha ayaa lagu sheegay in labadaas gole la kordhiyey muddoodii xil haynta, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta go’aanka ka dambeysay. Si kastaba, warar ay tabiyeen warbaahinta gudaha ayaa tilmaamaya in arrintan ay ka dambeysay wadatashiyo dhexmaray guddonka golaha guurtida iyo xukuumadda.

Go’aankan ayaa lagu gaaray kadib shir uu yeeshay Golaha Guurtida, kaas oo uu shir-guddoominayay guddoomiye Suleymaan Maxamuud Aadan.

Bayaanka golaha ayaa lagu xusay in fadhigii 6-aad ee kalfadhiga 90-aad ee golaha guurtida Somaliland lagu go’aamiyey in muddo kordhin dhan 27 bilood loo sameeyo goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay Somaliland wajahayo caqabado la xiriira qabsoomidda doorashooyinka.

Xisbiga Kulmiye ayaa digniin culus ka bixiyay muddo kordhinta doorashooyinka Somaliland, isaga diiday in waxa ka badan 10 bilood muddo kordhin lagu sameeyo doorashooyinka Golayaasha Wakiillada iyo deegaanka. Kumliye ayaa sheegay in tallaabo kasta oo ka baxsan muddadaas ay keeni karto sida uu ku dooday dhibaato siyaasadeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed