Somaliland oo sheegtay inay qabatay hub laga keenay dalal shisheeye oo arimo badan loo adeegsan rabay

Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay hub laga keenay dalal shisheeye, kaas oo la sheegay in loo waday sida hadalka loo dhigay in lagu dhibaateeyo shacabka deegaanadeeda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdalle Maxamed Carab Sandheere ayaa sheegay in hubkaasi loo qorsheeyay sida uu ku dooday in lagu kiciyo colaadaha beeleed ee ka jira gobollada galbeedka, gaar ahaan Awdal iyo Salal.

Wuxuu intaas ku daray in ujeeddada ugu weyn ay tahay in la xumeeyo amniga, lana kala fogeeyo bulshada si loo huriyo xiisadaha jira.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in Somaliland ay wajahayo faragelin dibadeed oo la xiriirta arrimaha aqoonsiga, isagoo tilmaamay in tani sababtay inay yeelato cadow badan, isla markaana faragelintaasi ay ku timid qaabab ay ka mid yihiin dhaqaale, dacaayado iyo hub.

“Intii aan Ictiraafka helnay Somaliland cadow badanbay yeelatay, qaar dadban oo is qarinaaya iyo qaar dhufayska ka soo baxay. Dowlado waa weyn baa ku jira, dhaqaale ha bixiyaan ama dacaayad ha fidiyaan ama hub ha bixiyaan.”ayuu yiri wasiir Sandheere.
wuxuu xusay in hay’adaha ammaanka ay hayaan caddeymo arrintan la xiriira, islamarkaana ay waqtiga ku habboon soo bandhigi doonaan faahfaahinta hubka iyo dalalka laga keenay, iyadoo arrintani kusoo aadeyso xilli ay socdaan isbeddello diblomaasiyadeed oo la xiriira Israel iyo magacaabista safiir cusub.

“Ciidamada amnigu waxaa jirta wax badan badan oo ay gacanta ku haayaan shacbigana waxay u soo bandhigayaan markii wakhtigeeda la gaaro, weli dabagal ayaa wax badan lagu hayaa laakiin markaan howsha soo gabagabeyno ayaa shacbiga loo soo bandhigi iyagoo baahsan hubka nuuca uu yahay wadamada ku jira caynka ay yihiin. Ilaa hadda se faraha waa nalagula jiraa Somalilandna indha dheereey u leedahay, dabagalkii ayey ku socotaa”ayuu yiri markale wasiir Sandheere.

Hadalka wasiirka wuxuu ku soo aadayaa, xili uu 24-kii bishii Febraury ee sanadkan 2026 uu sheegay in Somaliland qabtay dad uu ku sheegay “basaasiin” iyo shabakado laga soo diray sida uu ku dooday Muqdisho,
Mar uu arintaasi ka hadlaayey ayuu yiri wasiir Sandheere “Ciidamada amniga waxay gacanta ku dhigeen shabakad la soo adeegsaday dad ka mid ah Somaliland, kuwaas oo la soo maalgaliyay, isla markaana ay ka dambeeyaan dalal shisheeye, waxaa ugu horreeya Xasan Sheekha maamulla Muqdishana dhinacna u dhaafaynin.

Waaka soo maalgaliyey ee koow ka ah cadowga loo adeegsaday in Somaliland gudaheeda khalkhal lagu abuuro”.
Tani iyo markii Israa’iil ay aqoonsatay dabayaaqadii bishii December ee sanadkii hore waxaa deegaannada Somaliland lagu xir xiray dad ka soo horjeestay aqoonsigaas oo isugu jira, Culima’udiin, dad bulshada caan ka ah iyo shakhsiyaad kale, taasi oo u muuqata in xukuumada Somaliland aysan aqbalayn in wax mucaarad ah ama su’aal la galiyo aqoonsiga iyo xiriirkeeda Israa’iil.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed