War ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa war ka soo saaray jadwalka cusub ee doorashooyinka ka dhici doona Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaddib markii uu sheegay codsi uga yimid ururrada siyaasada.
War saxaaafadeedka Guddiga ayaa lagu sheegay inuu aqbalay kordhinta muddada kama dambeysta ah ee soo gudbinta liisaska musharaxiinta, taas oo markii hore ku ekeyd 25-ka bishaan Abriil, balse hadda laga dhigay 5-ta May 2026.
Sidoo kale, guddigu wuxuu ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashada Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka oo hore loogu qorsheeyay 28-ka Abriil 2026, iyadoo hadda loo asteeyay inay qabsoonto 10-ka May 2026, oo ku beegan maalin Axad ah.
Guddigu ayaa faray ururrada siyaasadda inay ilaaliyaan isu dheelitirka bulshada marka ay soo gudbinayaan musharaxiinta, isla markaana ay raacaan shuruucda iyo habraacyada horey loo dejiyay.
Ugu dambeyn, wuxuu xusay inuu dardargelin doono bixinta kaararka codbixinta iyo wacyigelinta bulshada.
HBN ONLINE TV

