Wararka ka imanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay xaafada strand ee magalada Cape town. Cabdullaahi Mukhtaar Cumar ayaa ku sugnaa dukaankiisa xilli ay yimaadeen rag hubeysan oo rasaas ku furay, taasoo sababtay geeridiisa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in mid ka mid ah weeraryahannada uu duubayay dhacdada xilliga ay socotay, arrin loo arko mid cusub oo ka soo korortay falalka dambiyada ee ka dhacaya dalkaasi.
Booliiska Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta kadib weerarka, waxayna bilaabeen baaritaanno la xiriira falka dilka ah.
Marxuum Cabdullaahi ayaa noqday qofkii 7-aad ee Soomaali ah oo bishaan gudaheeda lagu dilo Koonfur Afrika. Inta badan dilalkan ayaa ka dhacay Cape Town iyo nawaaxigeeda.
Waxaa sidoo kale la sheegay in falalka lidka ku ah ajaanibta ay sare u kaceen bilihii u dambeeyay, iyadoo arrintani ay walaac ku abuurtay jaaliyadaha ajaanibta ee ku nool dalkaasi.
HBN ONLINE TV

