Boqortooyada Sacuudiga ayaa tababar heer sare ah u soo gabagabeysay saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, kuwaas oo la qalin-jabiyay cutubyo ka ka mid ah ciidamada dalkaasi oo ka soo baxay kulliyadda Ciidamada Milateriga ee King Cabdulasiis.
Munaasabadda qalin-jabinta ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socday safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga, kuwaa oo hambalyo u diray saraakiisha cusub, isla markaana ku boorriyay inay aqoontooda ku biiriyaan horumarinta ciidamada dalka.
Sidoo kale, safiir Bashiir Xasan Xaaji ammaanay taageerada ay Sacuudigu siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca tababarka ciidamada, isagoo xusay in tani ay muujinayso xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya labada dal.
Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaantay in tababarada noocan oo kale ah ay muhiim u yihiin horumarinta iyo tayeynta ciidamada qalabka sida, si ay u gutaan waajibaadkooda ilaalinta amniga dalka.
HBN OLLINE TV

