Galmudug oo soo jeedisay go’aan is bedel muuqdo wax looga qabanayo duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan ciidamada xoogga 

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, Cali Daahir Ciid, ayaa baaq u diray madaxda dowladda federaalka, isagoo ka hadlay xaaladda ay ku nool yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inay wajahayaan duruufo nololeed oo culus, isla markaana ay mudan yihiin taageero dhab ah maadaama ay difaacayaan dalka iyo shacabka.

Cali Ciid ayaa soo jeediyay in mushaharka siyaasiyiinta oo uu isaguna ka mid yahay laga jaro qeyb ka mid ah si loogu leexiyo taageerada ciidamada. Wuxuu tilmaamay in tallaabadan ay noqon karto mid wax ku ool ah oo lagu garab istaago ciidanka, loona xoojiyo awooddooda.

Sidoo kale, wuxuu dhaliilay farqiga u dhexeeya la xisaabtanka siyaasiyiinta iyo ciidamada, isagoo xusay in xildhibaano qaarkood ay muddo dheer ka maqnaadaan Baarlamaannada ay ka tirsan yihiin, iyada oo aan wax tallaabo ah laga qaadin, halka askariga haddii uu maqnaado maalmo kooban laga jaro mushaharkiisa.

Ugu dambeyn, wuxuu caddeeyay in siyaasiyiintu diyaar u yihiin inay qeyb ka mid ah mushaharkooda u huraan ciidamada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed