Taliska Ciidamada Xoogga oo amar culus oo nolol iyo geeri in lagu keeno ka soo saaray burcad jidgooyo dhigatay

Awaamiir culus oo dhan ah kooxaha burcad ah oo la sheegay inay dhac iyo dhibaatooyin u geysteen dad shacab ah oo ku safrayay waddada isku xirta Muqdisho iyo gobollada dhexe, gaar ahaan deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa soo saaray Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo wada howlgallo nolol iyo geeri lagu keenayo dad ku eedeysan falalkaasi.

War saxaafadeed adag oo uu soo saaray Talisku, uuna warbaahinta la wadaagay Xeer-ilaaliye Kuxigeenka Ciidammada Qalabka Sida Xasan Tarsan ayuu ku sheegay in la jaray waaran rasmi ah oo lagu soo qabanayo burcada hubeysan si loo horgeeyo maxkamadaha awoodda u leh, laguna burburinayo dhammaan isbaarooyinka sharci-darrada ah ee ka jira deegaannada ay ka dheceen falalka dhaca ah, iyadoo fulinta amarkan loo xilsaaray Booliska Hirshabeelle, NISA iyo Guutada 3-aad ee Qeybta 12-ka Abriil ee ciidmada xoogga dalka.

“Ciidanku waxay fasax u qabaan goobta uu taagan yahay inay ku toogtaan dhiigiisana cid idin waydiin doonta ma jirto.” ayuu yiri Xeer ilaaliye Xasan Tarsan, isaga oo carrabaabay in  la qaaday dhammaan isbaarooyinkii yaallay goobaha howlgalada laga fuliyay.

Sidoo kale, talisku wuxuu xaqiijiyay in howlgalada socda lagu soo qabtay 4 eedeysane oo ka tirsan burcada, kuwaas oo lagu qabtay iyagoo shacabka dhibaato ku haya waddooyinka, isla markaana hadda ku jira gacanta laamaha amniga si loo marsiiyo cadaaladda, halka falalkan ay ka dhaceen deegaanno ay ka mid yihiin Gadgaduud, Xaali Cali, Garasweyne, Cadow-uul, Koogaar iyo Boos-Muluq, una dhexeeya Geel-gub iyo Raage Ceelle oo ka tirsan isla gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed