Qaraxyo iyo hub culus oo Muqdisho la soo galiyay oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada ammaanka ee Caasimadda Muqdisho ayaa ku guuleystay howlgal qorsheysan oo la sheegay in lagu fashiliyey isku day lagu doonayay in hub culus lagu geliyo gudaha magaalada, si loo dhibaateeyo sida hadalka loo dhiagy shacabka, loona qalqal geliyo amniga.

Howlgalka oo dhacay xalay abaaro 11:40 habeenimo, ayna fuliyeen Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa lagu soo qabtay mooto la sheegay in lagu soo raray hub isugu jira hoobiyeyaal iyo miinooyin, kuwaas oo lagu soo dhex-qariyey jawaano qudaar ah.

“Ciidamada amniga oo hayey xogta dhaqdhaqaaqa cadowga ayaa gudaha iyo daafaha degmada Deyniile ka fuliyey howlgal ay ku soo qabteen Mooto siday ilaa shan Hoobiye oo juwaano Qudaar ah lagu soo dhex-qariyey, taas oo Khawaarijtu ay doonayeen inay soo geliyaan gudaha Caasimadda Muqdisho.” ayaa lagu yiri warka Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Ciidamada ayaa sheegay in ninkii waday mootada ayaa isku dayay inuu qarxiyo mootada iyo hubkii saarnaa markii uu dareemay in la qabanayo, balse ciidamada ayaa si degdeg ah uga hortagay, kana badbaadiyey halis weyn oo ka dhalan lahayd.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in si weyn uu ugu mahadcelinayo shacabka Muqdisho oo door muhiim ah ka qaatay bixinta xogta amni, iyagoo ballan qaaday inay sii xoojin doonaan dadaallada lagu sugayo amniga caasimadda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed