Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay duqeyn dhinaca cirka ah oo ka dhacday gobolka Mudug, taas oo lagu beegsaday maleeshiyaadka Alshabaab, laguna dilay in ka badan 60 xubnood oo ka tirsanaa kooxda.
War sxaafadeedka ay soo saartay Wasaaraddu ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ay fuliyeen howlgal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Alshabaab, xilli ay isku uruursanayeen nawaaxiga deegaanka Tawar-Mooge, oo qiyaastii 8km koonfur kaga beegan deegaanka Caad, isla markaana 45km waqooyi kaga beegan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Duqeyntan ayaa la carrabaabay in lala beegsaday fariisin ay kooxda ku diyaarinaysay weerarro iyo falal lagu sheegay kuwo amni darro oo ay ku dhibaateyn lahaayeen shacabka, isla markaana ay ku carqaladeyn lahaayeen sida hadalka loo dhigay xasilloonida dalka.
Wasaaradda difaaca oo ka hadlaysa tirada xubnaha la dilay iyo khasaaraha kale ee kooxda la gaarsiiyey ayaa tiri “Howlgalkan waxaa lagu dilay qiyaastii 70 dhagarqabe, oo ay ku jiraan horjoogayaal, halka lagu dhaawacay inta u dhexaysa 90 ilaa 95 dhagarqabe. Sidoo kale, howlgalkan waxaa lagu burburiyay 8 gaadiid dagaal, oo ay ku jiraan kuwa saadka oo siday saanad ciidan.”
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay markale adkeynayso howlgallada ka dhanka ah Alshabaab oo ay si joogto ah u socon doonaan, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka ay ka go’an tahay ciribtirka kooxda iyo sugidda amniga guud ee shacabka Soomaaliyeed.
HBN ONLINE TV

