Markabka qodista shidaalka Turkiga oo maanta soo gaaray Soomaaliya

Markabka qodista shidaalka ee Turkiga, Çağrı Bey, ayaa saaka soo gaaray xeebta magaalada Muqdisho, kaddib safar bil iyo dheeraad qaatay oo uu kaga soo ambabaxay magaalada Mersin ee dalka Turkiga.

Madaxda sare ee Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay maalinta berri ah ka qeybgalaan munaasabad si rasmi ah loogu soo dhoweynayo markabkan iyo maraakiib kale oo la socda, taas oo ka dhici doonta dekedda Muqdisho.

Sida qorshuhu yahay, markabka Çağrı Bey ayaa bilowga toddobaadka dambe u dhaqaaqi doona dhanka xeebaha Galmudug, halkaas oo horay looga sameeyay sahanno muujinaya jiritaanka shidaal, si loo dardargeliyo howlaha qodista iyo soo saarista shidaalka Soomaaliya.

Imaatinka markabkan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo muujinaysa horumar la taaban karo, iyadoo sare u qaadaysa rajada laga qabo kobaca dhaqaalaha dalka, ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah, iyo dhismaha mustaqbal dhaqaale oo waara.

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in haddii shidaal laga helo badda Soomaaliya, ay tani noqon karto isbeddel weyn oo dhinaca dhaqaalaha ah, isla markaana kor u qaadi karta doorka Soomaaliya ee suuqyada tamarta ee gobolka iyo caalamkaba.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed