Kulmiye oo eedeymo culus u jeediyey xukuumadda Somaliland

Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa eedeymo culus u jeediyey xukuumadda Somaliland, isagoo ku dhaliilay sida uu hadalka u dhigay wax-qabad la’aan la xiriirta xakamaynta sicir-bararka iyo kor u kaca qiimaha shidaalka oo si weyn u saameeyey nolosha shacabka, gaar ahaan dadka danyarta ah.

Kulmiye oo sheegay jiritaanka saameyn caalami ah ee dagaallada Bariga Dhexe ee hadda socda ayaa tilmaamay in xukuumaddu Somaliland aysan la iman sida uu ku dooday qorshe wax looga qabanayo xaaladda dhaqaale ee sii xumaanaysa. Waxa uu tilmaamay in dalal badan ay qaateen siyaasad lagu xakameynayo kororka maciishadda, balse Somaliland aysan weli qaadin tallaabooyin muuqda.

Sidoo kale, Xisbiga ayaa xusay in halkii litir ee naaftada uu kor uga kacay 8,200 Somaliland Shilin SLSH ilaa uu gaaray hadda 10,800 SLSH, halka petrol-ku uu gaaray 12,500 SLSH. Xisbiga ayaa ku eedeeyey xukuumadda inay soo saartay go’aanno uu ku sheegay kuwa is burinaya oo aan xal u noqon xaaladda, isla markaana sare u sii qaaday qiimaha shidaalka.

Waxaa kale oo uu Kulmiye ka digay hoos u dhaca ku yimid qiimaha shilinka Somaliland, kaas oo maraya heerkii ugu sarreeyay ee sarrifka, iyadoo boqolka doollar uu gaaray ilaa 1,130,000 SLSH.

“waxa qiimo beelay shilinkii Somaliland kaas oo sarrifkiisu marayo heerkii ugu sarreeyay abid, waxaanu saamayn xooggan oo taban ku yeeshay bulshada, gaar ahaan dadka danyarta ah, shaqaalaha dawlada, ciidamada qaranka, ganacsatada yaryar iyo guud ahaan qofkasta oo shilinka Somaliland wax ku iibsada. Tusaale; markii hore, Boqolkii Dollar waxa suuqa lagaga sarrifanayey gacanta dambe 1,70,000 ilaa 175,000 SLSH inta u dhexeysa, halka uu maanta marayo 1,130,000 SLSH” ayaa lagu yiri warka Kulmiye.

Ugu dambeyn, Xisbiga Kulmiye ayaa ugu baaqay xukuumadda inay qaado tallaabooyin degdeg ah oo ay ku xakameyneyso sicir-bararka, korna u qaaddo qiimaha lacagta, isla markaana ay dejiso qorshayaal dhaqaale oo ay ka mid yihiin tamar jaban, dhiirrigelinta wax-soo-saarka gudaha, iyo la-tashiyo joogto ah oo lala yeesho ganacsatada si loo yareeyo culayska dhaqaale ee saaran bulshada.

Eedeymahaan weli ma aanay jawaabin xukuuumadda Somaliland, taasi oo iyadu hadda wajahaysa culeysyo dhanka siyaasadda ah iyo colaado ka jira gobollada waqooyi.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed