Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo maanta kormeer ku tagay xarunta Qeybta 3-aad ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AUSSOM ee magaalada Baydhabo ayaa kulamo la qaaday masuuliyiinta Ciidamaa Itoobiya ee ku sugan gobolka.
Kormeerkan ayaa lagu sheegay mid lagu qiimeynayey xaaladda amniga, horumarka howlgallada socda iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhaxeysa Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada caalamiga ah ee taageerada siiya, si gaar ah kuwa Itoobiya ee Baydhabo ka howlgala.
Wasiirka ayaa kulan la yeeshay Teklu Hurisa Janka taliyaha ciidamada Itoobiya ee deegaanada Koonfur Galbeed oo ah Taliyaha Qeybta 3-aad ee AUSSOM, isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan howlaha ay qabtaan, guulaha laga gaaray howlgalladii u dambeeyay iyo heerka iskaashiga ciidamada.
Fiqi ayaa sheegay in booqashadiisu ay ujeedadeedu tahay dhiirrigelinta ciidamada iyo xoojinta howlgallada wadajirka ah, si loo dardargeliyo dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasilloonida dalka.
Kormeerkan ayaa ku soo aadaya xilli isbeddel maamul uu ka socdo deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo dowladda ay dadaal ku bixinayso xoojinta amniga iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.
HBN ONLINE TV

