Dowladda Soomaaliya ayaa amar culus ka soo saartay qaadashada hubka gudaha magaalada Baydhabo, iyadoo si cad loo mamnuucay in wax hub ah lagu dhex arko magaalada, marka laga reebo ciidamada amniga iyo kuwa madaxda ee halkaas ku sugan, taasi oo la tilmaamay inay qeyb tahay dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada.

Amarkan oo uu soo saaray Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kadib kulan muhiim ah oo Taliye Asad Cusmaan Cabdullaahi, uu la qaatay saraakiisha ciidanka ee ku sugan Baydhabo. Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga iyo sidii loo adkeyn lahaa xasilloonida.

 Sareeye guuto Asad ayaa si gaar ah uga hadlay isbeddelladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaannada Koonfur Galbeed, isagoo faray saraakiisha in la kordhiyo feejignaanta iyo la socodka dhaqdhaqaaqyada amni ee magaalada. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xakameeyo hubka si loo yareeyo khataraha amni.

Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli ay Baydhabo ku sugan yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), kuwaas oo halkaas u jooga kulamo la xiriira xaaladda dalka iyo tan Koonfur Galbeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed