Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee mamaulka Koonfur Galbeed waxaa ku sugan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda heerarka kala duwan ee dowladda, kuwaas oo gaaray halkaas ka dib markii ciidamada dowladdda oo gacan ka helaya kuwa deegaanka ay gacanta ku dhigeen magaalada dhammaadka bishii hore ee Maarso ka dib dagaal halkaasi dhinacyada ku dhexmaray.
Madaxweyne Xasan Sheekh , guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, wasiirada dowladda iyo siyaasiyiin tiro badan oo deegaanka ka soo jeeda ayaa gaaray magaalada Baydhabo.
Sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka madaxweyanaha Soomaliya Cabdiraxmaan Aadan Xadaana, madaxweyne Xasan Sheekh oo maalintii saddexaad Baydhabo ku sugan ayaa kulamo la qaaday masuuliyiinta dowladda, odoyaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadan.
“Ujeedka ugu muhimsan waxay ahayd in ammaanka la adkeeyo Baydhabo, waxa kale muhim ahaa in dadka la wacyi geliyo iyo hanaqaadka la bilabaya doorashada la dardargeliyo, maadaama horrey looga qabtay Muqdisho tan labaad laga dhigo Koonfur-galbeed” ayuu yiri Xadaana.
Sidoo kale, wuxuu xusay in Madaxweynaha uu diiradda saarayo hirgelinta doorashooyin dimuqraadi ah oo dadweynuhu si toos ah ugu doortaan hoggaankooda, taas oo qayb ka ah qorshaha dowladda ee ku aaddan baahinta nidaamka dimuqraadiyadda dalka oo dhan.
Goor hore oo maanta ah kulanka ka dhacay Baydhabo ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku adkeeyey waxgaradka gobolka doorkooda ku aadan doorashooyinka ee koonfur Galbeed, waxaana Madaxtooyadu sheegtay in sidoo kale laga wadahadlay muhiimadda wada shaqeynta dowladda iyo hoggaanka dhaqanka si loo xaqiijiyo xasillooni waarta.
HBN ONLINE TV

