Kulamo Soomaaliya iyo shirkadaha difaaca Turkiga uga socday Ankara oo la soo gabagabeeyey

Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa soo gabagabeysay kulamo xasaasi ah oo ay la yeelatay masuuliyiin ka tirsan Turkiga iyo shirkadaha waaweyn ee difaaca, kuwaas oo ka dhacay magaalada Ankara.

Kulamadan oo diiradda lagu saaray horumarinta ciidamada iyo helitaanka qalabka milatari, ayaa waxaa hoggaaminayay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdifataax Cabdulkadir Faarax, oo uu weheliyo wafdi heer sare ah, iyaga oo la kulmay madaxda sare ee Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, ayna ka wada hadleen iskaashiga dhinacyada amniga, tababarka ciidamada, iyo tayeynta qalabka difaaca.

Sidoo kale, wafdigu waxay booqashooyin ku tageen shirkadaha waaweyn ee Turkiga ee soo saara qalabka difaaca, iyagoo si gaar ah ula kulmay masuuliyiinta shirkadaha ASELSAN, HAVELSAN, iyo MKE, si ay uga wada hadlaan suurtagalnimada iskaashi iyo helitaanka qalab casri ah oo ay isticmaalaan ciidamada Soomaaliya.

Kulamadan ayaa ku soo aadaya, iyada oo Turkigu si weyn hadda u qalabaynayo ciidamada Soomaaliya, xili ay Ankara ay wado qorshayaal sare oo ay ka hirgalinayso geeska Afrika, uguna horeeyaan doorkeeda loolankasiyaasadda ee gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed