Colaadda ka taagan Awdal oo Dowladda Soomaaliya dalbatay in degdeg ah oo loo joojiyo

Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa ku baaqday xabbad-joojin degdeg ah oo laga hirgeliyo gobolka Awdal ee deegaanada Somaliland, iyadoo ugu baaqday dhinacyada ku lugta leh colaadda inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka.

Baaqaan ka soo baxay Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la adkaynayo muhiimadda nabadda iyo joojinta colaadaha saameynaya shacabka.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag ugu baaqaysaa dhinacyada ay colaaddu u dhexeyso ee gobolka Awdal inay si bilaa shuruud ah u joojiyaan xabbadda, qaataanna nabadda,” ayaa lagu yiri bayaanka DFS.

Sidoo kale, kulanka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyay hindise-sharciyeedyo, heshiisyo iyo xeer-nidaamiyayaal muhiim ah oo la xiriira tayeynta hay’adaha dowladda, xoojinta iskaashiga iyo horumarinta dalka.

Dowladda ayaa sheegtay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada, isla markaana lagu horumarinayo adeegyada iyo hannaanka maamul ee dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed