Dowladda Federaalka oo Koonfur galbeed ka bilowday qorshe cusub, iyada oo isugu yeertay Odayaasha dhaqanka ee gobolka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo ka bilowday kulamo dib u heshiisiin ah oo lagu xoojinayo nabadda iyo xasiloonida deegaannada Koofur Galbeed, kadibb markii Meesha laga saaray maamulkii hore oo laba maalin ka hor Meesha laba qabsaday.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Cali Yuusuf Cali (Xoosh), oo ku sugan Baydhabo, ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid ballaaran oo lagu dhisayo is-faham bulsho iyo nabad waarta.

Kulamo arrintan la xiriira ayaa waxaa ka qayb-galay odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, iyadoo kulamada uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Waxaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta nabadeynta iyo dejinta hannaan sax ah oo dib u heshiisiin loogu sameeyo bulshada deegaanka.

Wasiir Xoosh ayaa khudbad uu ka jeediyay kulanka ku adkeeyay in mudnaanta 1-aad la siinayo amniga, xasilinta iyo dib u heshiisiinta, isagoo xusay doorka muhiimka ah ee odayaasha dhaqanka ku leeyihiin nabadda.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in wasaaraddiisu diyaar u tahay ka jawaabista dhibaatooyinka bini’aadantinimo, gaar ahaan kuwa ka dhasha abaaraha iyo xaaladaha adag ee ka jira deegaannada Koofur Galbeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed