Madaxweynaha Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku dhawaaqay inuu mar kale u tartamayo xilka madaxtinimada dalka Jabuuti, isaga oo doonaya inuu markiisii shanaad xilkaasi qabto tan iyo markii uu talada dalkani yar la wareegay sanadkii 1999-kii.
Doorashada madaxtinimada oo si weyn indhaha loogu hayo ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo dalka Jabuuti 10-ka bishaan April, iyadoo haatan uu socdo abaabulkii ugu dambeeyay ee loogu diyaar garoobayo.
Madaxweyne Geelle, oo khudbad maanta u jeediyay taageerayaasha xisbigiisa oo ka dhacday magaalada Caanka ah ee Carta, ayaa sheegay in inkastoo uu jeclaa inuu ka nasto xilka, haddana uu go’aansaday inuu mar kale tartamo kadib codsi uga yimid shacabka Jabuuti sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaan jeclaa inaan nasto, amarka shacabka Jabuuti ayaa se i soo kiciyey,” ayuu yiri madaxweynuhu, isaga oo sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay taageerada nabadda iyo horumarka gobolka, gaar ahaan dalka Soomaaliya.
Dhanka kale, mucaaradka dalka Jabuuti ayaa weli qaba tabashooyin la xiriira doorashada, iyagoo dhaliilay hannaanka doorashooyinka iyo cadaaladda tartanka siyaasadeed, iyaga oo badi dibad joog ka ah dalka badi.
Doorashadan ayaa la filayaa inay noqoto mid go’aamisa jihada siyaasadeed ee Jabuuti, iyadoo Madaxweyne Geelle uu doonayo inuu sii wato hoggaanka dalka muddo kale.
HBN ONLINE TV

